1 Haddaba sidaas daraaddeed anigoo maxbuus ku ah Rabbiga, waxaan idinka baryayaa inaad yeedhistii laydiinku yeedhay ugu socotaan si istaahil ah, 2 idinkoo leh is-hoosaysiin iyo qalbiqaboobaan oo dhan iyo samir, oo midkiinba midka kale jacayl ugu dulqaadanayo. 3 Ku dadaala inaad midownimada xagga Ruuxa ku xajisaan xidhiidhka nabadda. 4 Haddaba waxaa jira jidh keliya iyo Ruux keliya, xataa sida idinka laydiinkugu yeedhay rajo keliya xagga yeedhistiinnii. 5 Oo waxaa jira Rabbi keliya iyo iimaan keliya iyo baabtiis keliya, 6 iyo Ilaah keliya oo kulli Aabbe u ah, oo wax walba ka sarreeya, oo wax walba ka dhex shaqeeya, oo wax walba ku jira. 7 Laakiinse midkeen kastaba nimcada waxaa laynoo siiyey sida ay tahay qiyaasta hadiyadda Masiixa. 8 Sidaas daraaddeed wuxuu yidhi,
17 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga waan idiinkugu markhaati furayaa, oo waxaan idinku leeyahay, Mar dambe ha ugu soconina sida dad aan Ilaah aaminin ugu socdaan xumaanta maankooda. 18 Waxgarashadoodii way madoobaatay, oo jaahilnimada iyaga ku jirta aawadeed iyo qalbi engegnaantooda aawadeed ayay ajanabi uga noqdeen nolosha Ilaah. 19 Iyagoo xishood beelay waxay isu daayeen nijaas inay wasakh kasta hunguriweynaan ku sameeyaan. 20 Laakiinse idinku Masiixa sidaas kuma aydnaan baran, 21 hadday run tahay inaad isaga maqasheen oo isaga laydinku baray sida runtu Ciise ugu jirto. 22 Waa inaad iska xoortaan dabiicaddii hore, oo ku saabsanayd socodkiinnii aad ku socon jirteen, taas oo kharribanta xagga damacyada khiyaanada; 23 oo waa inaad ku cusboonaataan ruuxa maankiinna, 24 oo aad huwataan dabiicadda cusub oo loo abuuray inay Ilaah ugu ekaato xaqnimada iyo quduusnimada runta.
25 Sidaas daraaddeed beenta iska fogeeya, oo midkiin waluba deriskiisa run ha kula hadlo, waayo, innaga midkeenba midka kale wuxuu u yahay xubnihiisa. 26 Haddaad cadhootaan, ha dembaabina. Qorraxdu yay idinka dhicin idinkoo cadhaysan. 27 Ibliiskana meel ha siinina. 28 Kii wax xadi jiray yuusan mar dambe wax xadin, laakiinse ha hawshoodo isagoo gacmihiisa ku shaqaynaya oo wax wanaagsan samaynaya si uu u haysto wax uu siiyo ka wax u baahan. 29 Hadal qudhun ahu yuusan afkiinna ka soo bixin, laakiinse ku hadla waxa u wanaagsan dhisidda loo baahan yahay inay nimceeyaan kuwa maqla. 30 Ha calool xumaynina Ruuxa Quduuska ah oo Ilaah oo laydiinku shaabadeeyey maalinta madaxfurashada. 31 Haddaba qadhaadh iyo dhirif iyo cadho iyo qaylo iyo cay oo dhammi ha idinka fogaadeen iyo xumaan kastaaba; 32 oo idinka midkiinba midka kale ha u roonaado, oo ha u qalbi jilicsanaado, idinkoo iscafiyaya sidii Ilaahba Masiixa idiinku cafiyey.